December 13, 2017

Maxaadan ogeyn oo xalay ka dhacay Aqalka Dalka looga arimiyo ee Villa Soomaaliya? (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaana  ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad Lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.

Waxaad nagala soo xariiri kartaa dadweynahamedia@gmail.com

Aragtida Akhristayaasha

    Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com