December 13, 2017

Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqday go’aan si weyn u farxad galinayo Shacabka iyo qorsho cusub oo ka bilaabanayo Dalka

Markii ugu horeysay ayaa dowladda Federaalka  Soomaaliya waxaa ay bilowday qorshe muhiim u ah shacbka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwoodi oo kusugan Miyiga fog.

Shalay  oo arboco aheyd ayaa Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga,taasi oo ah arrin muhiimadeeda leh.

Waxaa ka qeybgalay Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo lagu qabtay magaalada Muqdisho Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda Hay’adda IOM oo qeyb ka ah hirgelinta mashruucani.

Muuddo kusiman 3 sano ayuu socondoonaan,kaasi oo ku baxaysa lacag dhan11 Milyan oo dollar.

Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel  biyood iyo sidoo kale nadiifinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada.

Mudane Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Tamarta iyo biyaha Xukuumadda Soomaaliya oo daah furay mashruucani ayaa sheegay in mashruucani uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqaalaha ku baxaya mashaariicdani ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan.

Mashruuca biyo siinta reer Miyiga ayaa waxaa uu jirey xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya,balse uu meesha ka maqnaa tan iyo burburkii taasi oo keentay in gobolada dalku ay ka jiraan dhibaatooyin biyo la’aaneed maadaama dadku aysan haysanin keyd iyo ceelal nadiif ah.

Waxaad nagala soo xariiri kartaa dadweynahamedia@gmail.com

Aragtida Akhristayaasha

    Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com